Xildhibaanno dadkoodii dayacay oo mar kale sharaxan!

Xildhibaannadan ayaa dalka isaga tagay doorashooyinkii kadib, hadana iyaga oo lacag wata ayeey rabaan in mar kale la doorto, iyagoon dalka iyo dadkaba waxbo u qaban.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno dadkoodii dayacay oo mar kale sharaxan!

Dalka waxaa la filayaa iney ka bilaabato doorashada golaha shacabka iyo tan aqalka sare, si loo dhiso sharci dejiyeyaashii Afarta sano ee soo socota dalkan sharciga u dejin lahaa.

Hase ahaatee waxaa maalmahan dambe mashquul aad u badan laga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada ay kusoo qul-qulayaan xildhibaanno dalka isaga baxay kadib doorashadoodii, kuwaasi oo aan xaaladda dalka waxbo kala socon, balse maanta musharraxiin ah.

Warbaahinta ayaa waxaa laga siideynayaa xildhibaan hebel oo dalka dib ugu soo noqday, taasi oo ka dhigan in uu ahaa mudane gabay xilkii ay reerkiisu ku aamineen.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa hadda u muuqda kuwo soo xusuustay dadkii ay matalayeen, waxaana ay bilaabeen iney diyaarado ugu kala cararaan gobolladii laga soo doortay.

Waxa ay dawooyin ama biyo siinayaan dadkii ay dayaceen Afartii sano ee lasoo dhaafay, siismadoodana ma ahan mid ay daacad ka tahay ee waxay rabaan in mar kale la doorto.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa qaba, si dalka uu u hagaago in loo baahan yahay in lasoo doorto xildhibaanno aqoon leh, dalka iyo dadka uu metalana wax u qaban kara.

Doorashada sanadkan ayaa noqon doonta mid ka duwan kuwii hore, waxaana macquul ah in xildhibaanno laaluush badan bixiyey lala gediyo oo xilka loo dhiibo shaqsi karti, aqoon iyo waayo-aragnimo leh, balse aan laaluush bixin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.