Xildhibaanno si kulul u weeraray Kenya

Xildhibaannadan ayaa sheegay in Kenya cadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno si kulul u weeraray Kenya

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray dowaladda Kenya, kadib markii ciidanka dowladdaasi ee joog Gedo ay Qof rayid ah dileen, iyaga oo qafaashay Saddex ruux kale.

Xildhibaannada kala ah, Daahir Amiin Jeesow iyo Haashim Nuur Aadan ayaa maanta warbaahina kula hadlay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in Kenya aan looga aamusi doonin dhibaatooyinka ay ku hayso dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Haashim Nuur ayaa ugu horreyn tilmaamay in lala xisaabtami doono dowladda Kenya, loogana baahan yahay iney jawaab cad ka bixiso dilka qofka rayidka ah ee ay ku dileen deegaanka Yadoo ee Gedo iyo shacabka ay ka qafaasheen deegaankaasi.

"Kenya kama aqbali doonno dhibaatada ay ku hayso shacabkeenna, maalin walbo dhib ayaa lasoo sheegayaa, waxay dileen qof aan waxbo galabsan, waxaana ay qafaasheen Saddex qof, iyaga oo ku gambanaya shaarka AMISOM, ma ahan in waxa ay rabaan naga sameystaan' ayuu yiri Xildhibaan Haashim.

Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa isna dhankiisa sheegay in Kenya ay markii horeba deegaannada Jubbaland ka geysan jirtay dhibaato, balse wax walbo oo dhaca aan dhibkan loo dhaafi doonin.

"Kenya sida ay dalka kusoo gashay waan naqaanaa, mana soconeyso in dadkeena la iska laayo, maamul aan jirin ayeey markii hore taageeri jireen, waxaana ay dilayeen shacab xoolo dhaqato ah"

Dowladda Kenya ayaan weli War rasmi ah kasoo saarin dilka iyo qafaalka ay ciidankooda ka tirsan AMISOM ka geysteen gobolka Gedo

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.