Isku dhac Turkiga ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Liibiya 

Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii askari Liibiyaan ah ay murmeen askari Soomaali ah, kadibna mindi lagu dhaawacay askariga Soomaaliga ah.

Warar Keydmedia Online
Isku dhac Turkiga ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Liibiya 

Faah-Faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa gacan ka hadal xalay dalka Turkiga ku dhex-maray ciidamo Soomaaliyeed iyo kuwa Liibiyaan ah, kuwaasi oo ku wada sugnaa xero ciidan oo lagu tababarayey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in isku dhacan uu yimid kadib markii askari Liibiyaan ah ay murmeen askari Soomaali ah, kadibna mindi lagu dhaawacay askariga Soomaaliga ah.

Askartii kale ee Soomaalida ahayd ayaa arrintaasi ka carooday, waxaana la tilmaamay in gacan ka hadal uu dhex-maray iyaga iyo askartii kale.

Ciidamada ilaalada xerada uu tababarkan ka socday ayaa ugu dambeyn ku guuleystay iney kala qabtaan Labada dhinac, iyadoo dowladda Turkiga ay waxbo kama jiraan ku sheegtay warar lagu qoray baraha bulshada oo ah in halkaasi ku dhinteen ku dhowaad 30 askari oo Labada dhinac ah.

Dalka Turkiga ayaa lagu tababaraan ciidamo Soomaali iyo kuwo kale oo laga keeno dalalka Africa iyo carabta, kuwaasi oo markii uu tababarka u dhammaado dib loogu celiyo dalalkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.