Xukun lagu ridey xubno lagu eedeeyey Al-shabaabnimo

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun ku riddey Labo Nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab..

Warar Keydmedia Online
Xukun lagu ridey xubno lagu eedeeyey Al-shabaabnimo

Raggan la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir, waxaana ay Maxkamadda ku sheegtay iney kala ahaayeen sarkaal iyo darawalkiisa.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeysan raggan iney ka qeybqateen bishii November ee 2019 weerar Kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen duleedka Dayniile, dhanka xigta deegaanka Basra lana soo qabtay iyaga oo dhaawac ah.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida, Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Labadan nin ku xukumay Xabsi daa'in, waxayna maxkamaddu sheegtay in racfaan u furan yahay.

Maxkamaddan ayaa horey u xukuntay xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo sidoo kale askarta DFS.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.