Keydmedia Online is under expansion!
Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xili uu socday dagaal toos ah oo labada dhianc u dhaxeeya, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.
Tan iyo markii Mareykanka uu duqeynta ku dilay Axmed Godane, Sep. 2014, Al-Shabaab awoodeeda dhulka ay haysato way sii wiiqmaysay, laakiin khatarteeda isma bedelin oo sidii ayay weeraro u fulinaysaa.
AFRICOM ayaa sheegtay inaysan jirin askari Ameerikaan ah oo uga dhaawacmay howgalkii ka dhacay Daarusalaam 24-kii bishaan, kaasoo lagu dilay sida uu sheegay lix katirsanaa Al-Shabaab.
Lix xubnood oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, saddex kalena way ku dhaawacmeen howlgalka duqeynta ay Ciidanka Mareykanka ka fuliyeen degaanka Daarusalaam, oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kumaandooska DANAB ayaa fuliyay weerarka, iyadoo dhanka cirka ay ka taageerayeen Ciidamada Mareykanka oo isticmaalayay diyaaradaha dagaalka, sida ay dadka degaanka u sheegeen KON.
Howlgalka ayaa yimid saddex maalmood kadib markii Ciidanka Puntland ay ku dileen 10 katirsan Al-Shabaab duleedka magaalada Boosaaso ee waqooyiga gobolka Bari.
Mahad Karataay ayaa isaga iyo xubno kale dhawaan laga saarey gollaha fulinta Al-Shabaab, kadib markii ay is khilaafeen Axmed Diiriye oo ah hogaamiye Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.
Al-Shabaab iyo Daacish ayuu Mareykanka dagaal kula jiraa, waxuuna saldhigyo qarsoodi ah Ciidamadiisa ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka, sida Balli-Doogle [Sh/Hoose] oo ay ka duulaan diyaaradaha drones-ka.
Kumaandooska DANAB ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ku beegsanayaan goobaha ay ka taliso Al-Shabaab ee gobollada Jubada Hoose iyo Shabeellooyinka.
Degaanka Halgan ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, waxaana ay weeraro kala kulmayeen Al-Shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa xiliga qaraxa wadada marayay Gaari nooca aan xabada karin [Bulletbroof], kaasoo la ogeyn mas'uulka saarnaa, oo ka badbaaday weerarka.
Taliyeyaal Ciidanka Booliska katirsana ayaa xabiga la dhigay, iyadoo looga shakisan yahay inay hoos kala shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab.