US military steps drone strikes in Somalia
Kulanka ayaa waxaa suurta-galiyay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo cadaadis ku saaray Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay Muqdisho yimaadaan, oo Farmaajo la fariistaan si loo dhameeyo khilaafka ka taagan doorashadda Soomaaliya.
Safiiradda Beesha Caalamka ayaa isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan heshiis laga gaaro khilaafka iyo kala aragti-duwanaanta ku aadan nooca doorashadda, oo Jubbaland iyo Puntland wali ay diidan yihiin natiijadii Shirkii Dhuusamareeb.
Al-Shabaab ayaa maamusha guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe halkaasi oo hadda kamid noqotay meelaha isha lagu hayo, ee ay ku wajahan yihiin duulaanka iyo guluf socda, oo ay Mareykanka Ciidankiisa qeyb ka yihiin.
Waa markii ugu horreysay oo uu Saciid Cabdullaahi Deni Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland January 2019.
Labada hogaamiye ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Kulan Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo lagu heshiisiinayo iyaga iyo Farmaajo oo isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka iyo hanaanka loo marayo.