Dhallinyaro isxilqaantay oo dadkooda Daawo gaarsiiyay
Farmaajo oo saaxiib dhow la ah Abiy Axmed ayaa taageeray howlgalka Dowladda Itoobiya ee TPLF.
Dagaalka Itoobiya ayaa ah mid weli socda, iyadoo ciidanka dowladda ku dhow yihiin Caasimadda Tigray-ga.
Qaraxyo culus ayaa laga maqlaayay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, maalmo kadib hanjabaad ka timid Mas'uuliyiinta gobalka Tigreyga.
Kulanka ayaa yimid kadib markii Itoobiya ay billowday inay Ciidankeeda, kuwa aan kamid ahayn AMISOM kala baxdo dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF.
Dagaalka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii fidaya deegaanno hor leh, waa Warbixinta Tifaftiraha Keydmedia Online ee Geeska Afrika.
Abiy, oo 44 jir ah waa hoggaamiyaha ugu da'da yar Afrika, wuxuu illaa hadda diidan yahay baaqyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, ee ku saabsan xabbad-joojin deg deg ah iyo wadaxaajood.
Ku dhawaad labo todobaad ayuu dagaal ka socdaa gobolka Tigreegga, ee waqooyiga Itoobiya, waxayna dowladda dhexe isku dayaysaa inay burburiso TPLF.
Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa sii xuumaatay, waxaana Dagaalka Itoobiya loo baqayaa inuu isku bedalo mid sokeeye.
Askratan ayaa waxaa ku jira taliyeyaal iyo saraakiil ciidan.
Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalka Itoobiya qarka u saaranyahay dagaal sokeeye sidee Keydmedia Online soo qortay bilowgii todobaadkaan.
Xisbiga TPLF ayaa awoodda siyaasadeed iyo mida Militeri ee dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano kahor inta uusan Abiy Axmed uu xukunka la wareegin 2018-kii.
Mudooyinkii dambe gobollada qaar ayaa billaabey dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah, oo ay uga soo horjeedaan dowladda uu hogaamiye Abiy Axmed.