Guudlaawe, Xasan Sheekh, Sh Shariif iyo Muuse Suudi oo kulmay

Kulanka oo siyaasiyiinta beesha Mudullood yeesheen ayaa kusoo aadaya xili xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Muqdisho.

News Keydmedia Online
Guudlaawe, Xasan Sheekh, Sh Shariif iyo Muuse Suudi oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, oo cadaadis kala kulmayay mudooyinka Beesha Mudullood.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Kulanka ay uga dalbadeen Guudlaawe inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan muddo-kordhinta Farmaajo, oo aad looga soo horjeestay dal iyo dibadba.

Muuse Suudi iyo Cali Cosoble ayaa kulanka goobjoog ahaa, iyadoo dhinacyada waxyaabaha ugu waaweyn ay kawada hadleen ay kamid tahay shir la filayo inay Beesha Mudullood ka yeelato arrimaha ka taagan dalka.

Cali Guudlaawe wali ma uusan shaacin inuu taageersan yahay muddo-kordhinta Farmaajo iyo inuu kasoo horjeedo, waxaana muuqata in maamulladii la safnaa Villa Somalia ay kala jabeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.