Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland oo is casilay

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

News Keydmedia Online
Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland oo is casilay

HARGEYSA, Soomaaliland – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayaa aqbalay warqadda iscasilaadda ee Wasiirka, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha.

Wasiir Faratoon ayaa la sheegay in uu u tartamo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in uu dhawaaan ku dhawaaqo Musharaxnimadadiisa.

Afhayeenkii Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isaguna is casilay  iskuna sharaxay doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.