Faragelinta Farmaajo ee doorashadda oo si cad usoo ifbaxday

Xili mudo-xileedkiisa uu dhamaadey, islamarkaana si sharci-darro ah ku jooga Villa Somalia, ayuu Farmaajo fareglin toos ah ku sameynaya doorashadda dalka.

News Keydmedia Online
Faragelinta Farmaajo ee doorashadda oo si cad usoo ifbaxday

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa dib u dhigay doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ee matelaya Somaliland, taasoo la filayay inay billaabato Sep 28, iyadoo Sep 27 ahayd hadal-jeedinta Musharixiinta u tartamaysa 11-ka kursi.

Gudiga doorashadda ayaa labo ogeysiis iska soo daba saarey maalin gudaheeda, Sep 26, iyadoo go'aanka dambe ee dib u dhigista uu ahaa mid lama filaan ah, oo markii hore qorshaha ku jirin, laakiin yimid daqiiqadii ugu dambeysay.

Dib u dhaca qorsheysan ayaa la shaaciyay kadib markii MD hore Farmaajo uu xafiiskiisa kula kulmay Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, oo isaga u yeeray kuwaasoo kamid ah duubabka gunada ay siiso Villa Somalia.

Lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen, balse waxay wararku sheegayaan in Farmaajo uu la wadeegay inuusan ku qanacsaneyn qaabka loo qorsheeyay doorashadda kuraasta Somaliland, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay kursiga Cabdi Xaashi, oo ah nin isaga aad uga soo horjeeda feker ahaan.

Kulanka ayaa la rumeysan yahay in lagu go'aamiyay dib u dhigista doorashadda kuraasta Somaliland oo RW Rooble dhibaato badan ka maray sidii ay ku dhici lahayd, iyadoo uu heshiis dhex-dhigay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, oo bilooyin murmayay.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa horey uga digay faragelinta Farmaajo ee doorashadda, iyadoo ugu baaqey Rooble inuu doorkiisa qaato, islamarkaana uu qabto nooca doorashadii lagu heshiiyay May 27, taasoo xor iyo xalaal ah, oo u siman yihiin tartanka dhamaan dhinacyada siyaasadda.

Farmaajo oo Musharax ah ayaa doonaya inuu afduubo doorashadda, si uu usoo laabto. Kuraasta Somaliland, kuwa Banaadiriga, Koonfur Galbeed iyo Garbahaarey ayuu ku tashanayaa inuu ku galo doorashadda Madaxweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.