Keydmedia Online Topic page

Muqdisho

News Keydmedia Online | 17 October 2020

Sanadkan gudahiisa waa markii labaad oo Internet la’aan ku dhacdo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo midii hore lagu soo beegay xil ka qaadistii Xasan Cali Khayre July 2020, si dadka dareenkooda loo weeciyo.

News Keydmedia Online | 13 October 2020

Wadooyin aad gaadiidka dadweynaha ka gudbin saddexdii sano ee lasoo dhaafay, ayaa laga qaadey xalay Dhagxaantii ku go'nayd, kuwaasoo ay kamid yihiin isgoysyada Tarabuunka, Bakaaraha, Florence, Siinaay, Sanca iyo Jardiinka.

News Keydmedia Online | 1 October 2020

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

News Keydmedia Online | 30 September 2020

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Gollihiisa Wasiiradda Cusub, iyadoo la hadal-hayo inay soo laaban doonaan qaar kamid ah Xukuumadii Khayre.

News Keydmedia Online | 21 September 2020

Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah.

News Keydmedia Online | 21 September 2020

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen meydadka raggii miinada aasayay, iyadoo markii dambe goobta ay ka qaadeen Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 19 September 2020

Afar shil oo diyaaradeed ayaa sanadkan ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taasoo dhalisay su'aallo ku saabsan bad-qabka hawada dalka oo noqday mid diyaarad kasta isaga duusho.

News Keydmedia Online | 14 September 2020

Xildhibaanada ayaa wada saxiixay Mooshinkan oo ay ku dalbadeen in ajandiyaasha kulanka lagu soo daro Kiiska Kufsiga iyo dilka ee Muqdisho loogu geystay Jimcihii lasoo dhaafay Xamdi Maxamed Faarax.

News Keydmedia Online | 12 September 2020

Xamdi Maxamed Faarax, oo ahayd gabar aad u da'yar, kana baxday sanadka Dugsiga Sare ayaa xalay lagu kufsaday magaaladda Muqdisho, iyadoo kadibna laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah.

News Keydmedia Online | 10 September 2020

Shirweynaha arrimaha doorashadda ayaa dib uga dhacay waqtigii loo balamay oo ahaa Maanta, waxaana la sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe ay dalbadeen in lagu kulmo meel ka baxsan Villa Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 9 September 2020

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go'an sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Naflacaaridka ah ee Alshabaab.

News Keydmedia Online | 5 September 2020

Dilka dadka rayidka ah ayaa yimid kadib markii qarax lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka Midowga Africa xili ay marayeen Warshadii hore ee Xeyla Bariise, oo ku taalla degmada Heliwaa.