Keydmedia Online Topic page

Galmudug

News Keydmedia Online | 20 September 2020

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.

News Keydmedia Online | 12 September 2020

Waa markii labaad oo Safaaradda Mareykanka ay soo saareyso qoraal noocan ah oo ay amaan iyo bogaadin ugu jeedinayso hogaanka Galmudug ee qabtay wadahadalladii Dhuusamareeb.

News Keydmedia Online | 9 September 2020

Waxaa la filayaa in saddexda Madaxweyne ay Shir ku yeeshaan Baydhabo, kahor inta aysan soo aadin Muqdisho oo 10-ka bishan ay uga qeybgali doonaan kulanka Farmaajo iclaamiyay.

News Keydmedia Online | 8 September 2020

Shirka Baydhabo waxaa lagu soo beegay xili Farmaajo uu ku casuumay Maanta dhamaad Madaxda Maamul Goboleedyada iyo duqa Muqdisho kulan doorashadda looga hadli doono.

News Keydmedia Online | 8 September 2020

Madaxda saxiixday heshiiskii Dhuusamareeb oo kala ah Waare, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa kulan gaar ah ku leh magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

News Keydmedia Online | 7 September 2020

Madaxweynaha ayaa safar ku tagey dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mas'uuliyiin kale, oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya Xaaladda Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 6 September 2020

Gobollada qaar ee dalka Soomaaliya ayaa wali waxaa ka dhaca dagaallo sokeeye, oo beelaha walaalo ah u dhaxeeya, iyadoo maamullada iyo dowladda Dhexe ku guul-dareysteen inay joojiyaan.

News Keydmedia Online | 3 September 2020

Labada dhinac ayaa dhex maray dagaal kooban, laakiin hadda waxay isku abaabulayaan degaanka gudihiisa iyo dibadda, sida ay sheegayaan dadka degaanka. 

News Keydmedia Online | 2 September 2020

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirar muhiim ah la yeelan doono madaxda Jabuuti, oo uu ku jira Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan qaabilay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

News Keydmedia Online | 2 September 2020

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-Qoor' ayaa maanta u safaray dalka Jabuuti.  

News Keydmedia Online | 1 September 2020

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Beesha Caalamka ee dhaqaalaha badan ku bixiya dib usoo celinta Soomaaliya iyo xasilinta dalka oo mudo 30 sano ah dagaallo kusoo jiray.

News Keydmedia Online | 31 August 2020

Dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sameysay dib u gurasha kadib markii Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda oo ay kaabayaan Itoobiyaan ay kusoo dhawaadeen degmada.