Weriye lagu dilay Gobolka Mudug
Taariikhda Madow ee uu ka tagay Siyaad Barre waxaa jira qaybo badan oo aan weli la soo bandhigin daboolkana laga qaadin, barnaamijkaan gaarka ah, Keydmedia waxey idiin soo bandhigeysa Xasuuqii ka dhacay Bay & Bakool. Maxamed Siyaad asiga oo ku naf raadsanaya Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, wuxuu geystay Xasuuq baaxad weyn, kadibna xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.