10 qof oo geeridooda si weyn loog dareemay dalka 2022

Prof Shirwac, ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa hoggaamiyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna marar badan horkacay, isla mar ahaantaana hoggaan u ahaa shirar nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
10 qof oo geeridooda si weyn loog dareemay dalka 2022

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanadkii tegay ee 2022 waxaa dhintay dad tiro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo doorar kala duwan bulshada ugu aaddanaa, isla mar ahaantaana geeridoodu ay taabatay dad badan.

Dadkaas ayaa isugu jirey fannaaniin, abwaanno, culimo, siyaasiyiin, aqooonyahanno iyo qaar kale. Haddaba warbixintan kooban waxaannu ku eegaynaa qaar ka mid ah dadkaas.

Cabdikariin Faarax Qaarey (jiir) – February 2022

Laxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheeraa Cabdikariin Jiir waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1943dii.

Hobyo ayuu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay dugsi hoose iyo dhexe.

Barbaarkiisa iyo waxbarashadiisa waxaa u garab-socday hibo faneed, wuxuuna yaraantiisii heellada ka qaadi jiray xafladaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Sanadkii 1960kii oo ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu Muqdisho soo galay.

Barashada codka iyo laxanka ayuu baadigoobay. Sanadkii 1968dii ayuu laxameeyay heeskii ugu horreeyay. Waa heesta Sabab kale ee loo yaqaanno Hiba Nuura, balse uu markii ugu horreysay qaaday Maxamed Mooge.

Cabdikariin Jiir wuxuu sidoo kale laxameeyay heesaha ku jira silsiladdii Siinley oo si dadban loogu weerarayay xukunkii askarta ee uu hoggaanka u hayay Maxamed Siyaad Barre, kana koobneyd 29 maanso oo ay allifeen 15 Abwaan oo ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Cabdiqeys, Gaarriye, Xaaji Aadan Axmed Afqallooc iyo Siciid Saalax.

Sanadkii 1970-kiina Cabdikariin Jiir wuxuu gacan libaax leh ka qaatay aasaaskii kooxdii Iftin ee ay laheyd wasaaraddii waxbarashada oo uu tiirarkeeda ka mid ahaa. Balse kuma koobneyn kooxda Iftin ee uu ka tirsanaa ee wuxuu laxameyn jiray heesaha kooxaha kale sida kooxda Waaberi oo uu raad xooggan ku yeeshay.

Kaddib xanuun maalmahaan wadnaha ka hayay oo uu koomo u galay, maanta oo Axad ah, February 13, 2022 ayuu Cabdikariin Jiir ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ifka uga tegay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood. Eebbe ha u naxariisto.

Shiikh Cali Warsame – March 2022

Waddanka Urdun ayuu ku geeriyooday mid ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida, bishii March dhammaadkeedii.

Waqti ku beegan 1939-kii ilaa 1940-kii ayuu Sheekh Cali Warsame ku dhashay miyiga gobolka Saraar, carruurnimadiisiina waxa uu kusoo qaatay baaddiyaha.

1958-kii ayuu waxbarasho u aaday magaalada Diridhabo ee waddanka Itoobiya, isagoo halkaas ku maqan ayayna Soomaaliya xorriyaddeeda qaadatay oo la aasaasay dowladdii Soomaaliya, sida uu noo sheegay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay, waxa uuna halkiisa kasii waday waxbarashadiisa.

Dabayaaqadii 1960-meeyadii ilaa horraantii 1970-meeyadii waxa uu aaday dalka Sacuudiga oo uu ka bilaabay machad lagu barto culuumta islaamiga ah.

Muddo kaddib waxa uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Islaamiga ah ee magaalada Madiina. Shahaadada heerka labaad ayuu markaas kaddib ka diyaariyay Jaamacadda Malik Sacuud ee isla dalka Sacuudi Carabiya.

1980-kii ayuu mar kale dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya oo uu ka bilaabay howlaha dacwada Islaamka iyo duruusta cilmiga.

Waxa uu noqday wadaadkii ugu horreeyay ee magaalada Burco ka bilaaba kutubta caqiiqada ka hadlaysa.

Dhowr jeer ayay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre xabsiga dhigtay Sheekh Cali Warsame, sida uu nooga warramay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

Markii ay Soomaaliya kasoo shaac baxeen ururka Al-Shabaab, Sheekh Cali Warsame waxa uu ka mid ahaa culimadii sida wayn uga soo hor jeestay fikirkooda, sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda.

Xildhibaan Aamino Maxamed – March 2022

Qarax ka dhacay magaalada Baledwayn ayaa lagu dilay Allah u naxriistii xildhibaan Aamino Maxamed.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay.

Waxay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanadkii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka.

Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon.

Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarlamanka ee arrimaha bulshada.

Jaamac Maxamed Qaalib – April 2022

Qaytii danbe bishii April ayay ahayd markii uu Jabuuti ku geeriyooday taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sarreeye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare).

Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka Dhoodigaban ee gobolka Sanaag.

Isaga oo 12 jir ah ayay hooyadiis geeriyootay. Markii uu u adkaysan waayay rajanimada iyo nolosha adag ee miyiga ayuu u soo wareegay magaalada Hargeysa.

Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe, sare ama jaamacad. Waa iskoris isagu wax isbaray. Isago oo 13 sano jir ah ayuu ku biiray xibisgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo loo dhigayay xubnihii SYL ee magaalada Hargeysa.

Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Guud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.

Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac – May 2022

Dhammaadkii May ayay ahayd markii magaalada Muqdisho uu ku geeriyooday Prof. Cabdullahi Maxamed Shir

Prof Shirwac ayaa muddo ka badan 30 sano qayb ka ahaa horumarinta xuquuqul inksaanka iyo samafale lagu yaqaanno hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya.

Prof Shirwac, ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa hoggaamiyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna marar badan horkacay, isla mar ahaantaana hoggaan u ahaa shirar nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya.

Khadra Daahir Cige –  July 2022

Fannaanad Khadra Daahir ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyootay horraantii bishii Julaay.

hadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, sannadka markuu ahaa 1957-dii iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna barbaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.

Alle ha u naxxariistee khadra Daahir Cige intii ay noolayd waxa ay xaas u noqotay Axmed Cali Cigaal iyo Cabdillaahi Sabriye.

Ifka waxaa ay kagga tagtay saddex wiil iyo laba gabdhood iyo intii ay sii dhaleen.

Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin.

Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii markaas oo ay qaadday heesteedii ahayd “Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) – August 2022

Bishii August 18-keedii ayay markii magaalada Hargeysa uu ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waa mid ka mid ah halabuurrada ugu magaca weyn ee sooyaalka Soomaalida, haddii aanu ahayn maansayahannada casrigan ka ugu magaca dheer ee ay maansadiisu ugu tisqaadka ballaadhan tahay.

Hadraawi waxa uu ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Togdheer oo lagu magacaabo Calanle, afartameeyadii.

Waxaana uu waxbarasho Cadan oo Yemen ah, halkaas oo ku soo bartay qur’aanka iyo carabida sida oo kalena uu kula baxay magaca Hadraawi, ka hor inta aanu Sooomaaliya ku soo laaban.

Hadraawi ayaa ku caan baxay ka soo horjeeditaankii dawladdii kacaanka oo ka tirin jiray suugaan kala duwan, isaga oo markii danbena ku biiray jabhaddii SNM.

Halka markii dalkii burburayna uu u guuray Ingiriiska, inkasta oo aanu ku raagin oo dib ugu soo noqday magaaladiisii hooyo ee Burco, halkaas ooo uu muddo ka aha macallin jaamacadeed, ka hor intii aanu xanuusan.

Jenaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) – Septemper 2022

Taliye Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ku dhintay howlgal ka socday deegaaNnada dhaca xuduuda saddexda gobol ee gobolka Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, bishii September ee sanadkii tegay.

Waxa uu sannadkii 1991-kii ku dhashay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ifka uga tagay saddex xaas oo u dhalay toddoba wiil iyo labo gabdhood. Wuxuuna ahaa madi, sida laga soo xigtay hooyadii.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2011-kii ayuu u biiray ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda. Ciidankan ayuu ku jiray ilaa 2017-kii.

Ka dib waxa loo baddalay ciidanka booliska markaas oo uu noqday taliyahii koobaad ee ciidanka Haramcad, isla sanadkaas ayaa laga dhigay gaashaanle horana wuxuu u ahaa kabtan.

Mar kale sannadkii 2019-kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Dhexe ka hor inta aan 2021-kii loo dalac siinin Gaashaanle sare.

Wuxuu xilka taliyaha booliska gobolka Banaadir qabtay bishii April ee sannadkii 2021-kii, markii awoodda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

Cabdinaasir Macallin Caydiid – December 2022

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa ee la oran jiray Cabdinaasir Macallin Caydiid oo in muddo ah xanuunsanayay.

Waxa uu ahaa muusigyahan qalabyo kala duwan tuma, laxan sameeye iyo heesaa. Wuxuu ku dhashay Cadan, 1959. Tacliinta kaddib, Yemen wuxuu uga shaqeeyay xirfaddiisa makaanignimada; geerash buu Cadan ku lahaa. Fanka, siiba muusigga, wuu jeclaa ilaa yaraantiisii, hase ahaatee aabbihii baa ka hor taagnaa, oo hadba giitaar ka kala jebin jiray.

Sanadkii 1979 ayay reer Macallin Caydiid ka guureen Cadan oo Hargeysa degeen. Dhowr sano kaddib, Cabdinaasir dalka Qatar buu u dhoofay, 1983. Markaa uu Qatar tegay buu fursad u helay barashada muusigga. Kaman buu gacanta ku dhigay, macallin buu se waayay.

Tumidda heesaha Soomaaliga ah wuxuu ku billaabay qaraamiga, sida uu ku warramay. Heesihii ugu horreeyay ee tumiddooda uu isku dayayna waxaynu ka carrabbaabi karnaa codka Laac. Sidaas oo kale, Soomaalida, hoobal Maxamed Saleebaan Tubeec baa ah fannaankii koowaad ee Cabdinaasir uu kaman u tumo. Barnaamij uu Tubeec Qatar ku qabtay 1985 ayuu Cabdinaasir ka tumay.

Cabdinaasir wuxuu tumi jiray dhowr qalab, sida giitaar, dhexyar, oorgan iyo kaman. Masraxyaddii kooxda Danan, tusaale ahaan, Cabdinaasir waxa lagu xusuustaa giitaarka. Dhanka kale, isla xilliyadaas waxaa hirgalay kamankiisa oo lagu maqlay heesaha qaaciga ah. Labadaa kaddib waxaa fagaaraha yimid, shaashaddana laga arkay, Cabdinaasir oo dhexyar iyo oorgan tumaya. Hase ahaatee waxa si gaar ah loogu bartay kamanka.

ISHA – BBC

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.