Sidee u dhacday dhaarta Ilhan Omar markii 3aad?

Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Sidee u dhacday dhaarta Ilhan Omar markii 3aad?

WASHINGTON — Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad Talaadadii loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay.

Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama" ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaafiyay kadib.

Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

Isha:/VOA

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.