KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan maleeshiyaad degaanka ah ayaa furay waddo sahayda u marta degmada Maxaas kadib markii ay muddo dheer go’doomiyeen.
MAXAAS, Soomaaliya — Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in labo qarax oo Ismiidaamin ahaa oo Maanta lala beegsaday xarun ciidan oo ku taalla gobolka Hiiraan ay ku dhinteen 20 qof.
Weerarka ayaa subaxnimadii ka dhacay degmada Maxaas, oo ah xudunta laga abaabulo weerarada ay dowladdu ku qaadayso Al-Shabaab. Goobta waxaa deganaa Ciidan loo diyaariyay duulaanka gobolka Galgaduud, waxaana hormuud u ahaa Xildhibaanno, oo ku jiro Jacfar.
Waxuu ahaa weerarka mid aad u weyn, iyadoo qaraxyada laga maqlay magaalada oo dhan," Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sidaas sheegay.
Sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabo Mahad Cabdulle ayaa sheegay in baabuurta ay ku qarxeen xaafad ay ku badan yihiin dad shacab ah, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 qof.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo noqonaya midkii 1aad oo Kooxda ay fuliso sanadkan cusub 2023. Maxaas waxay 308-KM dhanka waqooyi uga beegan tahay Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada culus loo qaadey Muqdisho, waxaana socda dagaallo loogu gurmanayo dadkaas, oo askar u badan. Qoys ka kooban aabe, hooyo iyo Carruurtooda ayaa kamid ah dadkii ku dhintay qaraxyada.
Maxaas ayaa udub dhexaad u ah weerarada ka dhan ah Al-Shabaab, oo ah koox xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo muddo sanado ah ka talinaysay qeybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Dawladdu waxay wacad ku martay inay sanadkan ka adkaan doonto Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan maleeshiyaad degaanka ah ayaa furay waddo sahayda u marta degmada Maxaas kadib markii ay muddo dheer go’doomiyeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.