Mahad Salaad oo wadada toosan ku hagey NISA

Mahad Salaad oo loo magacaabey agaasimaha NISA bishii May 2022, ayaa qaadey tallaabooyin isbedel uu ku sameeyay nidaamka hay'adda, oo horey dano gaar ah lagu fulin jiray.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad oo wadada toosan ku hagey NISA

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Salaad ayaa noqdey agaasimihihii ugu horeeyay, oo isbedel dhab ah ku sameeyay NISA, isagoo hay'adda ka dhigay mid sharci ku dhisan, oo kamid ah hay'adaha Ciidanka qalabka Sida ee dalka.

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa Maanta Shirkoodii Khamiislaa ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo usoo gudbiyay Mahad Salaad.

Mudo dheer ayaa Sharci daro iyo hanaan la'aan lagu soo hogaamiyay NISA, waxana markii hogaankeeda la wareegay May 2022 Mahad Salaad wax yar kadib soo gaba gabeeyay nidaamkii sharci darada ahaa ee soo socday muda dheer.

NISA hadda wixii ka danbeeya waa Hay'ad sharci ah oo aanan cidna lagu dulmin doonin, waxaana ay kamid noqonaysaa hay'adaha sharciga ku shaqeeya ee kamidka ah Ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mahad Salaad wuxuu isbebel sidoo kale ku sameeyay qaab-dhismeedkii NISA, oo ka ciribtiray shaqsiyaadkii daacadda u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, iyadoo uu ku hagey hay'adda jidka toosan.

Farmaajo ayaa u adeegsan jiray NISA inuu ku caburiyo Mucaaradka, Saxaafadda iyo inuu ku boobo doorashadda, iyadoo madaxdii Hay'adda ay shirqoolo ku dileen dhowr qof, oo Ikraan Tahliil ay ku jirto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.