Xasan Sheekh shaaciyay halkuu ka jiro musuq-maasuqa ugu badan Dowladda

Soomaaliya ayaa billowday ka doodista qorshayaasha nidaamka aqoonsiga qaran sannadkii 2018-kii, iyadoo xildhibaannadu ay ansixiyeen sharciga hay'adda aqoonsiga qaranka sannadka 2020-ka.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh shaaciyay halkuu ka jiro musuq-maasuqa ugu badan Dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan saddex-meelood labo meel shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaata mushaaraadkooda iyagoo aan qaban wax shaqo ah, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Nidaamka xaadiritaanka xafiisyada shaqada, ayaa muujinaya in kaliya 1,500 oo ka mid ah in ka badan 5,000 oo shaqaale dowladeed ah ay soo galaan shaqada maalin kasta, halka 3,500 ay yihiin kuwa dalka aan joogin, oo haddana lacagta akoonkooda ugu dhacdo bil kasta.

“Waxaa jira in ka badan 5,000 oo shaqaale dowladeed ah ayaa ka diiwaan gashan nidaamka biometric registration, laakiin kaliya 1,500 oo ka mid ah ayaa soo xaadira shaqada maalin kasta. Aaway intii kale? Ma jiraan ama kuma noola dalka, waana la bixiyaa Mushaarkooda," ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waa tuugo, madaxdoodii aqbashay qorshahan iyagana waa tuugo. Waxay si fudud u xadayaan lacagta dadweynaha,” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda in ay xadeen lacag si ay ugu maalgaliyaan safarradooda Xajka.

Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa mushaarkooda bixiya Bankiga Adduunka iyo dalalka deeqaha bixiya sida Mareykanka iyo Britain oo dalka ka caawinaya in uu dib u helo xasillooni siyaasadeed iyo mid maaliyadeed ka dib tobanaan sano oo dagaallo ah.

Nidaamka aqoonsiga biometrik waxaa dajiyay Bankiga Adduunka sanadkii 2014-kii iyadoo lagu saleeyay mashruuca loogu magac daray Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF), kaas oo mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed, sida ay hay’addu sheegtay.

Wararka ayaa sheegaya in khudbadda Madaxweyne Maxamuud uu ka dhashay caro ballaaran oo ka taagan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo dad badan oo shacab ah ay ka dalbadeen maamulkiisa in tallaabo deg deg ah ka qaado dadka lagu helo in ay lacag  dowladda.

Soomaaliya ayaa billowday ka doodista qorshayaasha nidaamka aqoonsiga qaran sannadkii 2018-kii, iyadoo xildhibaannadu ay ansixiyeen sharciga hay'adda aqoonsiga qaranka sannadkii 2020-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.