Dagaal ka dhacay Laascaanood iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka ayaa ka dhacay Koonfurta magaaladda, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus, oo dadka huradada u diiday, iyadoo Saakay laga barakacay xaafadihii lagu dagaalamay.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Laascaanood iyo Wararkii ugu dambeeyay

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Magaaladda  Laascaanood waxaa habeenkii 3aad ka dhacay xalay dagaal fool-ka-fool ah, oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Somaliland iyo malleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka dhacay Koonfurta magaaladda, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus, oo dadka huradada u diiday, iyadoo Saakay laga barakacay xaafadihii lagu dagaalamay.

Dhowr qof ayaa ku dhawaacay, kuwaasoo ahaa shacab rasaasta ugu tagtay guryahooda, iyadoo Saraakiisha Somaliland ay sheegeen in Ciidankooda ay ku jiraan difaac, si ay uga hortagaan duulaan Puntland qorsheynayso.

Dad badan ayaa ka cararay magaaladda Laascaanood tan iyo markii banaanbaxyada ay billowdeen Todobaadkii hore, waxaana jirta cabsi mar kasta, taasoo ku saabsan in dagaal weyn uu ka dhaca, kaasoo keeni kara khasaaro burbur iyo dhimasho.

Dadka degaanka oo hubka qaatay ayaa la sheegay inay weeraro joogto ah habeen walba kusoo qaadaan Ciidanka Somaliland, oo laga diiday joogitaankooda Laascaanood, kadib markii dilal iyo xadgudubyo kale geysteen.

Laascaanood hadda waxay noqotay magaalo xiisad ka taagan tahay, oo maalin iyo habeen kasta dad lagu dilo, iyadoo ganacsi uu xiran yahay intiisa badan. Puntland iyo Somaliland ayaa magaaladda ku loolamayan maamulkeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.