Maxay tahay sababta Xasan Sheekh uga qeybgalay Shirka Wasiiradda?

Madaxweynaha ayaa dardar-geliyay shaqada dowladda, isagoo aan xafiiska joogin hal sano ayuu wax badan ka qabtay dagaalka Al-Shabaab, dib u habeynta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamka.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay sababta Xasan Sheekh uga qeybgalay Shirka Wasiiradda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Maanta shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay'adaha dowladda ee sanadka 2023.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay'adaha dowladda.

Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas'uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga xoreeyay Khawaarijta iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.

Madaxweynaha ayaa dardar-geliyay shaqada dowladda, isagoo aan xafiiska joogin hal sano ayuu wax badan ka qabtay dagaalka Al-Shabaab, dib u habeynta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.