Akhriso magacyadda Saraakiisha ku dhintay weerarka Hilowle Gaab

Wuxuu weerarkii 2aad oo labo maalin oo isku xigta Al-Shabaab ku beegsatay Ciidanka dagaalka kula jira.

Warar Keydmedia Online
Akhriso magacyadda Saraakiisha ku dhintay weerarka Hilowle Gaab

MUQDISHO, Soomaaliya  - Waxaa isas soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar xoog leh oo Al-Shabaab ku beegsatay waaberigii Saakay  degaanka Hilowle Gaab, oo katirsan Shabeellaha Dhexe.

Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad ku saabsan sida uu u dhacay weerarka iyo Saraakiisha ku dhimatay.

Tirada askarta ku dhimatay waxay kor u dhaaftay 15, iyadoo dhaawaca illaa 30 lagu qiyaasay.

Saraakiisha dhintay ee KON oo xaqiijiyay ayaa kala ah Xasan Cali Indhoole, Cabduqaadir Maxamuud Maxamed Teesto, Ciise Qooley iyo Axmed Nuur Shiine.

Axmed Daaci, gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, G/Banaadir, oo Hilowle Gaab ku sugan ayaa sheegay in weerarka uu dhowr jiho uga yimid, islamarkaana la iska caabiyay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.