Xasan Sheekh: Dad baa jura oo qabiil ku difaaca Al-Shabaab

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto dadka lagu helo inay taageero siuyaan Al-Shabaab 

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Dad baa jura oo qabiil ku difaaca Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya  -  Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta sheegay inay dowladda la socoto inay jiraan mas'uuliyiin qabiil ku difaaca Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay Masjidka Madaxtooyadda, ayuu Xasan shaaciyay in aan marna loo dulqaadan doonin dowladda dhexdeeda in lagu difaaca Al-Shabaab.

Wuxuu yiri Al-Shabaab waa koox argagaxiso oo dowladda dagaal kula jirto, mana la aqbali karo in qabiil ama shaati dowladeed lagu difaaco.

Madaxweynaha ayaa dhawaan sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho lagu soo geliyo baabuurta Ciidanka Amniga, sidoo kalena ay Saraakiil kasoo daayaan baraha Koontaroolada.

Shaki kuma jiro inay labo Shabaab wada shaqeeyaan. Xiligii Fahad Yasin ayaa Al-Shabaab aad u dhexgashay NISA iyo hay'adaha kale ee amniga oo xubno soo goostay xilal looga magacaabey.

Howl adag ayaa u taalla Xasan Sheekh inuu ka sifeeyo gudaha dowladda dadka Al-Shabaab la shaqeeya, si amniga wax looga qabto.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.