Muxuu yahay guddiga doorashada ee la magacaabay?

Sida ku cad wareegto ka soo axday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha guddiga doorasho ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka kooban 9 xubnood, waxayna maamuli doonaan doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay guddiga doorashada ee la magacaabay?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga ku meel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.

Maadaama wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaa qasan noqotay in la magacaabo guddi ku meel gaar ah.

“Markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka iyo go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayuu magacaabay guddigaan”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga KMG ah ee la magacaabay ayaa maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana kuraasta la soo dooran doona ku jira HOP147 oo uu ka tagay Mahad Salaas iyo HOP186 oo laga dhigay Fahad Yaasiin.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

  1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
  2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
  3. Cabdi Hiis Udan
  4. Cabdishakuur Abiib Hayir
  5. Cabdullaahi Cabdi Aden
  6. Mowliid Mataan Salaad
  7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
  8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
  9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.