Askari Ugaandhays ah oo laayay askar ka tirsan ATMIS

Askarta Uganda ee la toogtay ayaa kala ah, Lance Corporal Christopher Kigongo, Lance Corporal Lord Charles Mangwi iyo Private Charles Akatwongyera, Afhayeenka ciidamada UPDF ee Soomaaliya, Capt George William ayaa sheegay in Simon uu hayay walaac.

Warar Keydmedia Online
Askari Ugaandhays ah oo laayay askar ka tirsan ATMIS

MUQDISHU, Somalia - Baaritaanno ayaa billowday, kadib markii askari ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu subaxnimadii Isniinta ku dilay magaaladda Muqdishu Saddex ka mid ah saaxiibadiisa.

Afhayeenka ciidamada UPDF ee Soomaaliya, Capt George William Musinguzi ayaa sheegay in askari lagu magacaabo Agaba Simon oo ka tirsan guutada 23-aad ee ilaalada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu si bareer ah u toogtay Saddex ka mid ah saaxiibbadii.

Wuxuu markii hore toogtay hal askari kadibna labo kale ka hor inta aan hubka laga dhigin, “Markii saaxiibadiis ay maqleen rasaasta, waxay u maleeyeen in cadowga soo weeraray, laakiin qofkii madaxa qaadaba wuu toogtay” ayuu yiri ruuxa aan magaciisa la xusin.

Askarta Uganda ee la toogtay ayaa kala ah, Lance Corporal Christopher Kigongo, Lance Corporal Lord Charles Mangwi iyo Private Charles Akatwongyera, Afhayeenka ciidamada UPDF ee Soomaaliya, Capt George William ayaa sheegay in Simon uu hayay walaac.

“Baaritaanno ayaa billowday si loo ogaado sababta dhabta ah ee falka ka danbeysay, balse waxaan uga shakisannahay in askariga uu la daalaa dhacayay xanuunnada walaaca, waxaan u tacsiyadeynaynaa qoysaska askartu ka dhinteen," ayuu yiri George William.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee askari ka tirsan howl-galka nabad ilaalinta Midogka Afrika ee Soomaaliya uu si bareer ah u toogto asxaabtiisa gudaha Soomaaliya sanado badan, dhacdadii ugu dambeysay oo tan la mid ah ayaa dhacday sanadkii 2019-kii.

Ciidamada Uganda ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007-dii iyagoo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiyaan la dagaallanka Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.