Maxay yihiin Macalimiinta ay Dowladda Soomaaliya qoraneyso?

Tallaabadan ayaa looga dan leeyahay in lagu gaarsiiyo waxbarasho bilaash ah dhamaan gobollada dalka, inta ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin Macalimiinta ay Dowladda Soomaaliya qoraneyso?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay shaqaaleysiin doonto 3,000 oo macallin oo cusub si loo xaliyo baahiyaha waxbarasho ee Shacabka ay qabaan, iyadoo Iskuuladda la ballaarinayo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay koror afar laab ah oo lagu sameeyay miisaaniyada Wasaaradda Waxbarashada Sanadkan 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu balan-qaadey in Ubadka Soomaaliyeed heli doono waxbarasho billaah ah oo dowladda bixiso.

Balse dadka dhaliila siyaadda Tacliinta dowladda, ayaa xusay in dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada ay wali liidato, islamarkaana amni darrada iyo faqriga ay sababtay in inta badan Carruurta Soomaaliyeed ay ka baxaan Iskuulada waxbarashada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in macallimiinta si aad ah loogu baahan yahay xiligan, oo dalka dib u xoreyn ku jiro, oo Al-Shabaab laga saarayo degaanada ay ku harsan tahay wali.

Waxa uu sheegay in kun macalin ay ku jiraan mushaarka dowladda ee Muqdisho iyo dhammaan dowlad goboleedyada oo la isku daray shantii sano ee lasoo dhaafay. Xasan ayaa sheegay in warbixintii ugu dambeysay ee wasaaraddu ay muujineyso rubuc ka mid ah Carruurta da'da Iskuulka gaaraysa oo kaliya inay helaan waxbarasho.

Xasan waxa uu sheegay in macalimiinta cusub la shaqaaleysiin doono iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono degaanada Soomaaliya oo ay aad ugu yartahay waxbarashada.

Wuxuu sheegay in fursado gaar ah la siin doono degmooyinka ay ku yar yihiin ardayda wax ka barata dugsiyada iyo sidoo kale goobihii laga saaray Al-Shabaab

Goobaha ay maamusho Al-Shabaab ayaa ka maqan nidaamka waxbarashada tooska ah ee Soomaaliya, maadaama ay kooxdu soo rogtay manhaj ku saleysan afkaarteeda.

Madaxweyne Maxamuud ayaa khudbadiisa maalinta sanadka cusub waxa uu wacad ku maray in 2023 la ciribtiri doono Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa todobaadkii hore afar laabay miisaaniyadda waxbarashada Soomaaliya sanadkan, wuxuuna ka dhigay 34 milyan oo doolar.

In kasta oo ay tahay miisaaniyaddii ugu sarreysey ee waxbarashada muddo sannado ah, dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in ay weli ka fog tahay maalgelinta loo baahan yahay si wax loogu baro Carruurta dalka oo dhan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.