Weerar askar iyo Saraakiil lagu dilay oo ka dhacay Sh/Dhexe

Dagaal culus ayaa ka dhacay agagaarka degaanka Hilowle-Gaab ee ku dhaw degmada Ruunirgood, iyadoo Al Shabaab ay sheegtay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada.

Warar Keydmedia Online
Weerar askar iyo Saraakiil lagu dilay oo ka dhacay Sh/Dhexe

JOWHAR, Soomaaliya - Dhowr askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerar saaka waabarigii Al-Shabaab ay ku qaadey xero Ciidan oo ku taalla degaanka Hilowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhowaan dib loo qabsaday.

Dagaal culus ayaa ka dhacay agagaarka degaanka Hilowle-Gaab ee ku dhaw degmada Ruunirgood, iyadoo Al Shabaab ay sheegtay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada.

Saraakiisha dowladda ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaarey weerarka Al-Shabaab. Waa weerarkii labaad oo maalmo gudahood Al-Shabaab ay ka geysato maamulka Hirshabeelle.

Weerarka saaka wuxuu ahaa mid dhowr jiho ah, oo Al-Shabaab soo qorsheysay, waxaana loogu tala-galay in lagu fashiliyo duulaan ku wajahan gobolka Galgaduud, gaar ahaan Ceel-Buur.

Arbacadii, labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay degmada Maxaas ee Hiiraan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 35 qof, oo ay ku jiraan siddeed xubnood oo hal qoys ah, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.