Eed xooggan oo loo jeediyay hoggaanka Hirshabeelle

Maxamed Ibraahim Macalimuu wuxuu madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka maamulka Hirshabeelle iyo taliska ciidan-kaba ugu baaqay in deegaannadu u sinnaadaan howlgalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab “Xaqana la simo”.

Warar Keydmedia Online
Eed xooggan oo loo jeediyay hoggaanka Hirshabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas iyo Madaxweyne ku xigeynkiisa ku eedeeyay in ku kaceen caddaalad darro.

Macalimu wuxuu sheegay in Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ay kaliya diiradda saareen sidii ay Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaannada bari ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe halkaasoo ay degaan ahaan u badan yihiin beelaha Abgaal & Xawaadle.

Wuxuu xusay in hoggaanka Hirshabeelle ay indhaha ka laabteen degaannada dhaca galbeedka labada gobol oo ay deggan yihiin beelaha Gugundhabe, Gaaljecel Jareerweyne iyo kuwa kale, taasoo uu ku tilmaamay sinnaan la’aan iyo dadka oo la kala fadilay.

“Hoggaanka Hirshabeelle waxa ay noqdeen hal degaan, degaanno fara-badan oo ay deggan yihiin  beelaha Gugundhabe, Gaaljecel iyo Jareerweyne ilaa hadda howl-gal habayaraadee laga qabtay ma jiro, howl-galku wali waa dhiman yahay”, ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Wuxuu intaas ku sii daray, “degaannada ballaaran ee ka billowda xudduudka Itoobiya ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha dhexe xudduudka la leh dhulkaas faraha badan ilaa hadda hal askari lama geyn, waliba waxaa hadda buux dhaafiyay Al-Shabaabkii soo jabay”.

Maxamed Ibraahim Macalimuu wuxuu madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka maamulka Hirshabeelle iyo taliska ciidan-kaba ugu baaqay in deegaannadu u sinnaadaan howlgalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab “Xaqana la simo”.

Inta badan degaannada Maamulka Hirshabeelle ayaa laga xoreeyay Al-Shabaab marka laga soo tago qaar ka mid ah degaannada galbeedka ee labada gobol, waxaana xusid mudan in dadka degaanku kaalinta ugu muhiinsan ka qaateen howl-gallada ka socda Hirshabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.