Waa kuma hogaamiyaha AS ee Mareykanka 10 milyan ku bixinayo qabashadiisa?

Xarunta Manda Bay waa saldhig militari oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka, oo duqeymo ka fuliso gudaha Soomaaliya, waxayna halkaasi ka ilaaliyaan danaha Washington ee Bariga Afrika.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma hogaamiyaha AS ee Mareykanka 10 milyan ku bixinayo qabashadiisa?

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doollar u balan-qaadey qofkii u keenta xog ku saabsan hoggaamiyaha garabka Al-Shabaab u qaabilsan weerarada Kenya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Waaxda Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (RFJ), Macalin Ayman, oo madax ka ah Jaysh Ayman, ayaa lagu mas'uul ka ahaa weerar Argagixiso oo Al-Shabaab 5-tii January 2020 ku qaadey saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal katirsanaa Ciidamada Mareykanka, ayaa ku dhintay weerarka halka qandaraasle Mareykan ah iyo labo askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Xarunta Manda Bay waa saldhig militari oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka, oo duqeymo ka fuliso gudaha Soomaaliya, waxayna halkaasi ka ilaaliyaan danaha Washington ee Bariga Afrika.

Ayman waxay dowladda Mareykanka liiska argagaxisadda iyo shaqsiyaadka la goobayo ku dartay bishii November 2020. Maraykanku wuxuu Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso bishii March 2008.

Jaysh Ayman waa unug ka kooban dagaalyahanno Soomaali iyo ajnabi, oo u badan Kenyaati, waxaana uu mas'uul ka yahay weerarada wadanka Kenya ka dhaca.

Dowladda Mareykanka ayaa si dhow ula shaqeysay dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya, si looga hortago Al-Shabaab oo bilihii la soo dhaafay cadaadis kaga imaanayay duqeymaha cirka ee AFRICOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.