Ciidanka Somaliland oo ka baxay Laascaanood

Shacabka ayaa hadda gacanta ku haya magaaladda, waxaana laga taagay wadooyinka Calanka Soomaaliya, oo horey mamnuuc uga ahaa meel ay Somaliland maamusho.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Somaliland oo ka baxay Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Ciidamada booliska iyo Militeriga Somaliland ayaa faarujiyay magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool, halkaasoo ay ka socdaan banaanmbaxyo.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay inay saakay ku waaberiisteen magaaladda oo aan ku sugnayn askari Somaliland ah, iyadoo xarumaha iyo saldhigyada ay ku xoomeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin duleedka magaaladda, iyagoo ka bixitaankooda uu yahay mid ay ku qaboojinayaan xaaladda ka jirta magaaladda iyo carada dadka.

Laascaanood ayaa tan iyo 2007 ahayd meel Somaliland ka taliso, oo ay dadka degaanka caburin iyo dilal lagu hayay, waxaana hadda hal mar qarxay kacdoon shacab oo lagu diidan yahay maamulka Hargeysa, ee gooni-u-goosadka ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhawaan sheegay in faragelin ka timid Muqdisho ay abuurtay xaaladda Laascaanood, wuxuuna ka qoomameeyay dilka shacabka ee ku baxay gacanta Ciidankiisa.

Dad gaaraya 40 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshadaha Laascaanood, waxaana kamid ah Carruur, Dumar iyo Culimo, la sheegay inay toogteen Ciidanka Somaliland.

Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya maamulka Laascaanood, oo ku taalla xadka ay wadaagaan, waxaana magaaladda horey uga jiray dhibaatooyin labada maamul ay soo maleegeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.