Xasan Sheekh oo soo celiyay xiriirka dalalkii Farmaajo xumeeyay

Dowladda Farmaajo ayaa ku eedeyn jirtay Imaaraadka faragelinta siyaasaddeeda gudaha, waxayna markaas oo dhawaysatay Qatar, oo dagaal kala dhaxeeya.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo soo celiyay xiriirka dalalkii Farmaajo xumeeyay

ABU DHABI - Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhanka amniga, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada xili labada dal ay ka shaqeynayaan hagaajinta xiriirka xumaaday.

Heshiiskan ayaa fiidnimadii Arbacada waxaa Abu Dhabi ku saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Imaaraadka Mohammed bin Ahmed al-Bowardi.

Heshiisku waxuu kor u qaadayaa “tayada hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo taageeridda dadaallada socda ee Al-Shabaab looga ciribtirayo Soomaaliya,” ayuu Wasiir C/qaadir ku yiri qoraal uu soo saaray.

Al-Shabaab waa urur xiriir la leh al-Qaacida oo weeraradiisa galaafatay nolosha kumannaan qof gudaha Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Ciidamada caalamiga ah ee Midowga Afrika iyo Mareykanka tan iyo ugu yaraan 2007-dii.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah Al-Shabaab bishii August 2022, kadib weerarkii Hayat hotel ee Muqdisho.

Imaaraatka Carabta ayaa weli ah "saaxiibka istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada dowlad-dhisidda," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa lagu sheegay in wadahadaladii ka dhacay Abu Dhabi sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada lagu ilaalinayo danaha guud.

Xiriirka labada dalka ayaa xumaaday 2018 markii NISA Garoonka Muqdisho ku qabatay $9.6 milyan oo Kaasha ah oo diyaarad saarnayd, taasoo soo dedejisay in Imaaraadka uu joojiyay tababarka Ciidanka dowladda, ee saldhigga Jen Gordan.

Dowladda Farmaajo ayaa ku eedeyn jirtay Imaaraadka faragelinta siyaasaddeeda gudaha, waxayna markaas oo dhawaysatay Qatar, oo dagaal kala dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markale la doortay bishii May ee 2022, waxuu siyaasadda arrimaha dibadda siiyay mudnaanta koowaad, isagoo soo celiyay xiriirka dalalkii uu Farmaajo gooyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.