Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Maxaas

Qaraxayada dadkii ku dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Guud ee degmada Maxaaas, waxaana qaarkood la sheegay in loo soo qaadi doono Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Maxaas

MAXAAS, Soomaaliya - Waxaa saakay ak dhacay degmada Maxaas labo qarax oo Ismiidaamin ahaa, kuwaasoo lala eegtay Ciidan iyo Saraakiil katirsan dowladda oo hormuud u ah howlgalka socda.

Muumin Maxamed Xalane, oo ah gudoomiyah Maxaas ayaa sheegay in labada qarax loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray, kuwaasoo sida uu sheegay ka yimid dhanka Galgaduud.

Ujeedka weerarka ayaa ahaa sida uu gudoomiyaha sheegay in lagu dhabar-jebiyo howlgal qorsheysan oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmooyinka iyo degaanada ay ka joogto Galgaduud.

Dadka ka badbaadey weerarka saakay waxaa kamid ah Maxamed Abuukar Jacfar, oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka, horeyna usoo noqday Gudoomiyaha degmada Deyniile ee G/Banaadir.

Illaa hadda inta la ogyahay 15 qof oo askar iyo shacab isagu jira ayaa ku dhimatay qaraxyada Maxaas, iyadoo intaas uu ka badan karo khasaaraha, maadaama ay jiraan dhaawacyo culus.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray waxaa kamid ah Wariye Khaalid Ilkacase oo kamid ah Wariyayaasha warbaahinta Qaranka, waxaana xusid mudan in Suxufiga June 2022 qarax miino ku dhaawacmay isla gobolka Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.