Al-Shabaab oo dad shacab ah ku af-duubatay Hiiraan

Sida ay sheegeen dadka degaanka dagaallamayaasha Al-Shabaab ee dadka af-duubay ayaa ka soo tallaabay dhanka wabiga, waxayna dadka u kala soocayaan heyb-heyb ka hor inta aysan qafaalan inta ay daneynayaan iyagoo si gooni beegsanaya beel gaar ah.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo dad shacab ah ku af-duubatay Hiiraan

BALADWEYNE, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, Kooxda Al-Shabaab ayaa gobolkaas ka billowday af-duubka dadka shacabka ah iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya dadka ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Kooxda Al-Shabaab waxa ay labadii maalin ee la soo dhaafay af-duubtay ugu yaraan 30 qof oo beeraley iyo xoolo dhaqato u badan, kuwaas oo ku dhaqnaa degaannada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baladweyne.

Sida ay sheegeen dadka degaanka dagaallamayaasha Al-Shabaab ee dadka af-duubay ayaa ka soo tallaabay dhanka wabiga, waxayna dadka u kala soocayaan heyb-heyb ka hor inta aysan qafaalan inta ay daneynayaan iyagoo si gooni beegsanaya beel gaar ah.

Arrinkaan ayaa walaac xoogan ku abuuray dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka kuwaas oo  u badan beeraley ay hore u saameeyeen dagaallada ka socda gobolka ee u dhexeeya dadka degaanka oo Dowladdu baritaareyso iyo Kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dadka ay Al-Shabaab ka af-duubatay Hiiraan oo kasoo fakaday kooxda ayaa yiri, “Qoladii cadowga ayaa gacanta u galay waa ka fakaday, indhaha ayey naga duubeen oo waa na-jirdileen. 21 qof ayaa aheyn 4 ayaa ku fakanay oo waxa ka fakanay Dhoqor”.

llaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya oo ku aadan falkaasi, Al-Shabaab ayaana sidaan oo kale dad shacab ah uga af-duubatay gobolka Galgaduud.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.