MW Xasan oo arrimo muhiim ah hordhiyay Beesha Caalamka

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey wakiiladda Beesha caalamka miro-dhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo dalka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo arrimo muhiim ah hordhiyay Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey wakiiladda Beesha caalamka miro-dhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo dalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ay u xoreeyeen deganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.