Al-Shabaab oo 15 xubnood looga dilay Galgaduud

Tan iyo markii ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab labo bil ka hor, waxaa laga dilay dhowr boqollaal oo askari, waxaana laga xoreeyay in ka badan 30 degaan, sida ay hore u sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga ee howlgalla hoggaaminaya.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo 15 xubnood looga dilay Galgaduud

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka ayaa 15 xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ku dilay degaanka Sinadhaqo ee Gobalka Galguduud, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka lagu dilay xubnahaan ka tirsanaa kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa yimid kadib markii dablay ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan degaanka Sinadhaqo oo ka mid ah degaanno dhawaan Dowladdu ka raacdeysay.

“Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Al-Shabaab iyaga oo ka faa'iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Dagaalkaan ayaa ku soo aaday xilli ay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ka billowdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la doonayo in lagu xoreyo degmooyinka gobolka Galgaduud ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan, sida Ceelbuur iyo Ceel-dheer.

Tan iyo markii ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab labo bil ka hor, waxaa laga dilay boqollaal askari, waxaana laga xoreeyay in ka badan 30 degaan, sida ay hore u sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga ee howlgalla hoggaaminaya.

Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa ku go’aamiyay in diiradda la saaro dagaallada sida xowliga ah u socda, waxayna go’aamiyeen in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Galaha Wasiirradu waxa sidoo kale maanta go’aamiyeen in barnaamijka la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo “Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata”, taasoo howlgallada muhiim u ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.