20 cisho iyo 20 qarax – Shacabkii waa dhamaaday

Fahad Yaasiin, waxaa hore loogu eedeeyay inuu xiriir xooggan kala dhaxeeyo kooxda Al-Shabaab, isla-markaana uu u adeegsado dilalka shaqsiyaadka ka aragtida duwan.

Warar Keydmedia Online
20 cisho iyo 20 qarax – Shacabkii waa dhamaaday

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii uu dalka ku soo laabtay Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, eedeysane, Fahad Yaasiin Xaai Daahir, 21 September 2021, waxaa siyaabo kala duwan dalka uga dhacay qaraxyo waaweyn, kuwaas oo dad badan rumeysan yihiin in ay salka ku hayaan khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo RW Rooble.

Tan iyo makii shaqada laga raacdeeyay Fahad, billowgii bishaan September 2021, ku dhawaad 20 qarax ayaa ka dhacay dalka, waana tirada ugu badan marka loo eego bilihii la soo dhaafay.

September 14, 2021, Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Wadajir oo dhacda Koofurta Caasimadda, kadib markii qof nafti hallige ah beegsaday maqaayad shaaha laga cabo oo ku taal goob lagu qaado canshuurta dowlada hoose.

September 19, 2021¸ Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa burburay, kadib markii afarta gees looga xiray miinooyin xoog badan, taas oo sii murjisay xaaladda nololeed ee Buulay.

September 20, 2021, Ugu yaraan 3 qof, ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, qarax nuuca dulka lagu aaso ah oo ka xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.

September 22, 2021, Qarax miino loo adeegsaday ayaa ka dhacay garaash ku yaalla bartamaha magaalada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux oo oo ka mid ah shacab ah.

September 23, 2021, Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe, wuxuu sheegay in qarax ka dhacay xero ciidan oo taalla degaanka Ambresso, oo hoos taga degmada Baraawe, ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 askari.

September 24, 2021, Qarax ka dhacay Ceel-waaq, ayuu qasaaro xooggan ka soo gaaray Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ugu uyaraan 20 asakari ayayna wax-yeello gaartay.

September 24, 2021, Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday kaliya ruuxii is-qarxiyay.

September 25, 2021, Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday mid kamid ah irdaha laga galo Madaxtooyada Soomaaliya, Booliska dowladda ayaana xaqiijiyay inay weerarka ku dhimatay ugu yaraan 8 qof, oo 7 kamid ah shacab ahaayeen iyo hal askari, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Intaan iyo in ka badan oo qarax oo dalku marti galiyay tan iyo markii xilka laga xayuubiyay Fahad Yaasiin, isla-markaana lagu furay baaritaanka Maxakamadeed, ayaa abuuray is-weydiin shacab, iyo waxa xilligaan ku soo aaddiyay qaraxyada is dabajooga.

Fahad Yaasiin, waxaa hore loogu eedeeyay inuu xiriir xooggan kala dhaxeeyo kooxda Al-Shabaab, isla-markaana uu u adeegsado dilalka shaqsiyaadka ka aragtida duwan.

Fahad iyo Farmaajo, oo ka cararaya gacmaha sharciga iyo eedda kiiska Ikraan Tahliil, ayaa kaar-kasta u xoqon doona, sidii uu amniga dalka faraha uga bixi lahaa, waxaana la aaminsan yahay in ay qaraxyadu sii socon doonaan inta ay wali ku jiraan Madaxtooda.

Ujeedka, ugu weyn ee Kooxdaan arxanka daran u xasuuqayaan shacabka ayaa ah, in Ra’iisul Wasaaraha loo abuuro dacaayad, ku aaddan inuu kala dhantaalay hay’adaha amniga taasina sababtay inuu faraha ka baxo amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, oo ka mid ah shaqsiyaadka lagu naas-nuujiyay xilalka aysan xamili karin, wuxuu si maldahan ugu sheegay in Kooxda Farmaajo oo uu isago ugu horreeyo qaraxyada sii wadi doonaan inta uu RW Rooble, xilka la qaadayo Waiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.