22 saac kadib: Howl-galkii Villa Rays oo la soo gaba-gabeeyay

Weerarkaan oo ah midkii 2-aad ee howl-galkiisu qaatay waqtiga ugu dheeraa kadib weerarkii Hotel Hayat ayaa sidoo kale noqonaya weerarkii Saddexaad ee Al-Shabaab hotel ku galaaan tan iyo bishii Agoosto  ee sanadkaan. Tawakal hotel, Hayat hotel iyo  Villa Rays.

Warar Keydmedia Online
22 saac kadib: Howl-galkii Villa Rays oo la soo gaba-gabeeyay

MUQDISHO, Sooomaaliya – In ka badan 20 saacadood ayay laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ku qaadatay in ay soo gaba-gabeeyaan howl-galka weerar ay xalay abbaara 8:05 PM, xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Villa Rays oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia.

Sadiiq Doodishe oo ah Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix ruux, kuwaas oo dhammaantood hadda geeriyooday. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Sida uu sheegay Doodishe siddeed qof oo shacab ah iyo hal askari ayaa ku dhintay qaraxa, halka uu xusay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka, markii weerarku billaabanayay, Wasiirro ka tirsan XFS ayaa degganaa hotelka la beegsaday.

“Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtay dhawaan.

Weerarkaan oo ah midkii 2-aad ee howl-galkiisu qaatay waqtiga ugu dheeraa kadib weerarkii Hotel Hayat ayaa sidoo kale noqonaya weerarkii Saddexaad ee Al-Shabaab hotel ku galaaan tan iyo bishii Agoosto  ee sanadkaan. Tawakal hotel, Hayat hotel iyo  Villa Rays.

Waxaa si weyn la isku weydiinayaa waxa sababay in dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ceynkaan ah ku qaadaan xarun la mid ah Villa Rosa oo ay ku hareereysan yihiin ugu yaraan shan ‘Checkpoint’ oo ah kuwa ugu muhiimsan ee laga sugo amniga Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.