30 sano kadib, Sacuudiga oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Farmaajo ayaa jaray xiriirka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Qatar darteed kadib markii Doha ninka u fadhiya Villa Somalia Fahad Yaasiin uu go'aankaas gaarey.

Warar Keydmedia Online
30 sano kadib, Sacuudiga oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqorka dalka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa safiir cusub usoo magacaabey Soomaaliya, kaasoo noqonaya midkii ugu horeeyay mudo 30 sano ka badan.

Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa noqonaya Safiirka cusub, waana nin madow ah kaasoo loo soo xulay inuu inuu Sacuudiga u fariisto dalka Soomaaliya, kuna matela diblomaasiyadda.

Safiirka ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro maalmaha soo socda, iyadoo dhanka kale la diyaariyay munaasabada dib loogu furo safaaradda Sacuudiga ee magaaladda Caasimadda ah.

Sacuudiga ayaa mudo ka maqnaa saaxadda diblimaasiyadda Soomaaliya tan iyo 1991, waxaana hadda muuqata inuu aad u daneynayo xiriirka Muqdisho, si saameyn iyo galaangal ugu yeesho doorashadda soo socota oo Qatar iyo Imaaraad ay ku loolamayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan safiir cusub u dirtay Sacuudiga kaasoo ah Saalim Macow Xaaji, waxaana warqadaha aqoonsiga ka gudoomay maalmo kahor Boqor Salman.

Farmaajo ayaa jaray xiriirka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Qatar darteed kadib markii Doha ninka u fadhiya Madaxtooyadda Villa Somalia Fahad Yaasiin uu go'aankaas gaarey.

Sacuudiga iyo UAE ayaa xiriir taariikhi la leh Soomaaliya, waxayna kaalmooyin siin jireen shacabka mudadii burburka halka Qatar ay timid dalka markii Farmaajo xukunka qabtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.