Aabbaha Ikraan Tahliil oo markii ugu horreysay ka hadlay kiiska gabadhiisa

Wuxuu soo hadal qaaday in marnaba aan kiiska lagu xalin doonin xeer Soomaali, balse ay ahmiyad u leedahay dhinacooda in dabiilayaashii falkaasi geystay la mariyo ciqaab u qalanta, oo aysan marnaba ka qaadaneyn wax diyo ah, xattaa hadii ay tahay Malaayiin dollar.

Warar Keydmedia Online
 Aabbaha Ikraan Tahliil oo markii ugu horreysay ka hadlay kiiska gabadhiisa

LONDON, UK- Dr. Tahliil Faarax oo ah aabbaha dhalay Ikraan Tahliil oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay markii ugu horeysay kiiska Gabadhiisa oo NISA sheegtay in la dilay.

Wuxuu wax aan la aqbali karin, islamarkaana maskaxda ka daadegeynin ku tilmaamay hadalkii NISA ee ahaa in Al-Shabaab ay u gacan gashay Ikraan, dabadeedna ay dileen.

Dr. Tahliil wuxuu sheegay in uu ku qanacsanyahay dacwadda Maxkamaddda u gudbiyeen, oo haddii ay shaqsiyaad ku caddaato dilka ay doonayaan in loo qisaaso [dilo], isagoo intaas ku daray in cid hooyada Ikraan iyo eedadeed aan ka ahayn aysan matali karin gabadhiisa.

Diktoorka waxuu dalbaday inaysan qeyb ka noqon baarayaasha kiiska Ikraan kuwa lagu tuhmayo, islamarkaana baaritaanka la guda galo si ay gabadhiisa u hesho caddaalad.

Wuxuu soo hadal qaaday in marnaba aan kiiska lagu xalin doonin xeer Soomaali, balse ay ahmiyad u leedahay dhinacooda in dembiilayaashii falkaasi geystay la mariyo ciqaab u qalanta, oo aysan marnaba ka qaadaneyn wax diyo ah, xittaa hadii ay tahay Malaayiin dollar.

Mas'uuliyiin uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu uga mahadceliyay dadaallada caddaaladda loogu raadinayo Ikraan, sidoo kale waxuu bogaadiyay sida shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay uga damqadeen dhibaatadii soo gaartay Ikraan Tahliil.

Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu yahay ruux aan damqasho laheyn, madama gabadhiisa oo qarankeeda u shaqeyneysay uu dhagaha ka fureystay kiiskeeda, isagoo ku tilmaamay ficilkii uu uu ku taageeray Fahad mid aanan mas'uuliyadi ku dheehneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.