Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo Toorey isku dilay

Aabbe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dhuusamareeb iyo wiil uu dhalay oo dhimirka looga jiray ayaa toorey isku dhaawacay, waxaana loola cararay labadoodaba Isbitaal ku yaal magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Aabahan oo lagu magacaabo Siciid Dhaga-madow kuna noolaa magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xaafadda Waaberi ayaa wiilkiisa oo xanuunsanaa dhimirkana looga jiray muddo kabadan 10 Sano ayaa wuxuu shalay gelinkii dambe dagaal kula dhex maray gurigooda, kaddib markii uu xariggii kasoo baxsaday.

Dhacdadan ayaa aad loo hadal hayaa iyadoo siyaabo kala duwan wax looga qoray haddana warar Keydmedia Online ay heshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dhacdadan ku saabsaned Aabaha iyo Wiilkiisa ay sababtay kaddib markii uu isku dayay in uu baxsado Wiilka xanuunsan ayuu aabihiina celiyay.

Qof goob-jooge ahaa ayaa KON u xaqiijiyay warkan "Wiilkan 10 sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa guriga dhexdiisa, maantay ayuuna soo goostay xariggii, dabadeed wuxuu isku dayay in uu baxsado, Aabbe Siciid Dhaga-madow oo guriga aan aad uga fogeyn ayaa ku soo orday si uusan u baxsan, hayeeshee toorey ayuu ku dhuftay, Aabbe Siciid ayaa isna la baxay tooreydiisii u xirneed wuxuuna ku dhuftay wiilkii isagoo iska difaacaya, kana baqanaya in uu nafta dhaafiyo maadaama dhimirka looga jiro" Sidaas waxaa yiri goob jooge ku sugnaa halkaay wax ka dhaceen.

Dhaawaca labada is dhashay ee Maxamed Siciid Dhaga-madow iyo Aabihii Siciid Dhaga-madow ayaa la dhigay Isbitaalka Xanaano ee ku yaal bartamaha magaalada dhuusamareeb, halkasoo lagula tacaalayo dhaawaca labadoodaba, dhaqaatiirta isbitaalka ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Wiilka ay ku taallo 4 Tooreey halka Aabahana ay ku dhacday 2 Toorey, culeyska ugu badan ayuu noo sheegay dhaqtarka in ay tahay Wiilka xanuunsan oo dagaallamaya marka la rabo in la tolo, lana daweeyo. 

Dhacdooyinka nuucan oo kale ah ee waalidiinta iyo ubadkooda dhex mara ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxeyna aheyd dhamaadka bishii August markii Magaalada lagu qabtay Aabe wiilkiisa dilay.

Dhacdada Jowhar ayaa dad badan ka nixisay, Aabahaan oo 41 jir ah ayaa wiilkiisa gacmaha ka xiray kadibna xili habeen ah Wabiga ku tuuray, sida ay sheegeen Booliska degmada. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.