Aadan Madoobe oo meesha ka saaraya rajada Laftagareen

Sida ay xogahu sheegayaan, inta badan musharixiinta is-beddel doonka ah, ayaa ku qanacsan mushaxnimada Aadan Madoobe, iyaga oo ka cararaya in Guddoomiyaha Golaha shacabka uu noqdo shaqsi Farmaajo u adeega sidii Maxamed Mursal.

Warar Keydmedia Online
Aadan Madoobe oo meesha ka saaraya rajada Laftagareen

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladdii KMG aheyd, Aadan Maxamed Nuur [Madoobe], ayaa ka mid noqday musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha baarlamaanka gaar ahaan Golaha shacabka.

Warka sheegaya inuu musharrax yahay, Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad ee Rahanweyn Resistance Army [RRA], ayaa ku soo beegmaya xilli, Laftagareen iyo Farmaajo wadaan qorshe ay qof aan Digil iyo Mirifle ahayn ugu raadinayaan xilkaas.

Aadan Madoobe, waxaa gadaal ka taagan xubno ka tirsan mucaaradka oo uu ku jiro Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, kaas oo Midowga Musharixiinta hore uga dalbaday in ay garab istaagaan Madoobe, oo isna shan sano mucaarad ahaa.

Sida ay xogahu sheegayaan, inta badan musharixiinta is-beddel doonka ah, ayaa ku qanacsan mushaxnimada Aadan Madoobe, iyaga oo ka cararaya in Guddoomiyaha Golaha shacabka uu noqdo shaqsi Farmaajo u adeega sidii Maxamed Mursal.

Laftagareen iyo Farmaajo, ayaa ka shaqeynaya sidii ay qof Hawiye ah uga dhigi lahaayeen, Af-hayeenka Golaha Shacabka, si musharixiinta xilka Madaxweynaha ee Haiwiye, looga hor istaago u baratanka kursiga ugu sarreeya dalka, taas oo u muuqata mid aan hirgali karin.

Sidii la filayay, waxaa muuqata in uusan mira dhali karin, is gaashaan-buureysi, sanadkii la soo dhaafay ay wadeen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan oo ka soo kala jeeda beelaha Raxanweyn iyo Dir, kaas oo la doonayay in wax looga baddelo awood qeybsiga.

Qorshahaan, oo ay gadaal ka riixayeen odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin, ay ku jiraan Boqor Buurmadow, Mahdi Guuleed iyo Cabdicasiis Laftagareen, ayay hadda gaabis xooggan ku yimid, kadib markii la dareemay in Is-baheysigu olole u noqday Farmaajo.

Aadan Maxamed Nuur [Madoobe], wuxuu soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii Federaalka KMG ah, halka uu 29 December 2008 ilaa 31 January 2009, soo noqday ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii xiligaas Cumar C/rashiid, kaas oo sababay in Madoobe uu iscasilo, waxaana beddelay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sheekh Aadan Maxamuud Nuur, waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, wuxuuna ka soo jeedaa beesha Hadame ee Raxanweyn (Digil iyo Mirifle), wuxuuna hadda ku fadhiyaa kursiga HOP#189 ee Barlamaanka 11-aad.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.