Aas Qaran oo loo sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland

Aas qaran ayaa loogu sameeyay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland madaxweynihii hore ee Puntland oo meydkiisa la keenay maanta.

Warar Keydmedia Online
Aas Qaran oo loo sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa goor dhaw in lagu aaso magaalada Garowe iyadoo halkaasi Aas-qaran loogu sameeyay.

Marxuumka ayaa meydkiisa saacado kahor laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana lagula tukaday salaaddii Janaasada gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Marxuumka ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ku geeriyooday maalinimadii shalay ahayd.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu soo noqday Garowe, ku xigeenkiisa Axmed Kaarasha, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, culimo iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa ka qeybgalay salaadii janaasada marxuumka oo lagula tukaday garoonka diyaaradaha Garowe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.