DIIRADDA MAANTA

Adeegihii Fahad: Waa kuma Mukhtaar Qooraansey?

Bartamihii sanadkii hore Mukhtaar Qooraansay oo ka wakiil ah Fahad Yaasiin, wuxuu Muqdisho soo galiyay mishiinnada wax basaasa, wuxuuna hayadda NISA u soo kireyay shaqsiyaad ajaanib ah oo ku takhasusay adeegga [A Man in the Middle - MITM].

Warar Keydmedia Online
Adeegihii Fahad: Waa kuma Mukhtaar Qooraansey?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaqo ka joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha, Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Wasiir Fiqi ayaa Qooraansay ku eedeeyay shaqo xumo iyo wada-shaqeyn la’aan joogto ah iyo daahfurnaan la’aan dhanka shaqada ah, isla-markaana wuxuu xusay inuu caqabad ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha.

"Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meel gaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Qooraansey”, ayuu yiri Axmed M. Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta; wuxuu sheegay in hawlaha Shaqada Hay’adda uu si ku meelgaar ah usii wadi doono Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda. 

Haddaba waa kuma Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey)?

Mukhtaar wuxuu ka mid yahay qurba-joogta dalka dib ugu soo laabatay sanadihii la soo dhaafay, wuxuu heystaa dhalashada Norwey, wuxuu muddo ku magacaawnaa Madaxa Maamulka iyo Maaliyadda NISA ka hor inta uusan 2019 dhaqaale xooggan kala baxsan NISA.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka ayaa baxsashadaas kadib Mukhtaar ku sameeyay baafin rasmi ah, hayeeshee wadaadka Ictisaam ee Sheekh Maxamed Idirs oo ay saaxiibbo yihiin, xilligasna la shaqeynyay Farmaajo iyo Fahad ayaa ka shaqeeyay in Qooraansay la saamaxo.

Maadaama Farmaajo xilligaas isku diyaarinayay dooshado uu kaligiis ku shubto wuxuu dib u soo celiyay Qooraansay, waxaana loo magacaabay Agaasimaha waaxda diiwaangalinta cod bixiyayaasha doorashooyinka 2020-2021, hayeeshee xilkaas ma noqon mid shaqeeya.

Billawgii bishii July 2020, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, ayaa u magacaabay Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si dhidibada loogu taago hay'adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority).

Qooraansey wuxuu sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Maamulka IT ( Information Technology) ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sidonka Qaranka, wuxuuna khabiir ku yahay cilmiga tignoolijiyadda, waana sababta aysan Fahad iyo Farmaajo uga samrin.

Bartamihii sanadkii hore Mukhtaar Qooraansay oo ka wakiil ah Fahad Yaasiin, wuxuu Muqdisho soo galiyay mishiinnada wax basaasa, wuxuuna hayadda NISA u soo kireyay shaqsiyaad ajaanib ah oo ku takhasusay adeegga [A Man in the Middle - MITM].

MITM waa qalab loo adeegsado weerarrada dhanka internetka ah ee lagu dhageysto dadka laguna carqaladeeyo adeegyada is-gaarsiinta iyo bangiyada. KON waxa ay xilligaas ogaatay in ugu yaraan saddex goobood oo ku yaalla Caasimadda laga taagay ateenooyin MITM.

Goobahaas waxaa ku jiray Madaxtooyada Soomaaliya, xarunta NISA ee Habar Kjadiijo iyo Garoonka Diyaaradaha, si loo basaaso xogta dadka ku hadlaya taleefannada, loo cusleeyo xawaaraha Internet-ka, isla-markaana loo qalqal galiyo bangiyada iyo xawaaladaha.

MITM, wuxuu awoodaa inuu dhageysto wicitaannada muwaadiniinta, wuxuu awood u leeyahay inuu carqaladeeyo lacagaha la isugu diro bangiyada iyo xawaaladaha, isagoo wax ka bedel ku sameyn kara cadadka lacagta la isku diro [ka dhimid iyo ku darid].

Bishii October 2021 waxaa si weyn caasimadda looga dareemay cillad dhanka wicitaannada ah, halka bishii November 2021 uu si weyn u liitay Internet-ka Muqdisho, waxaana weerarro dhanka Internet-ka ah bishaas ka cawday dhowr Wasaaradood.

Mukhtar Qooraansay) wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhow Fahad Yaasiin ee xilalka ay hayeen loogu dhiibay in ay shacabka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa maamulkii Farmaajo ku dhibaateeyaan waana sababta maanta shaqada loga joojiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.