AFRICOM: Halista Al-Shabaab waxaa ka weyn muddo kororsiga Farmaajo

Gen. Stephen Townsend, oo ah shaqsiga ugu sareeya taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa muddo kordhinta uu Farmaajo sameysatay ku sheegay dhibaatada ugu weyn ee hadda ka taagan Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
AFRICOM: Halista Al-Shabaab waxaa ka weyn muddo kororsiga Farmaajo

WASHINGTON, USA - Jeneraalka ugu sareeya taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend, ayaa khamiistii u sheegay golaha Senate-ka in dhibaatada hadda ka jirta Soomaaliya aysan kaliya ahayn Caqabadda Kooxda Al-Shabaab, isla markaana muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha Dowladda ay tahay carqaladda ugu weyn ee hadda taaagan.

“Kooxda Al-Shabab ma aha walaaca ugu weyn ee hadda ka jira Soomaaliya, laakiin waa xal  la'aanta siyaasadeed ee ka dhex jirta Dowladda federaalka ah, iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” Ayuu yiri Stephen Townsend.

Townsend, oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay Sen. Jack Reed, ayaa yir “Muddo kordhinta loo sameeyay xaafiiska Madaxweynaha ayaa ah caqabadda ugu weyn”

Gen. Stephen Townsend, wuxuu rumeysan yahay, in bixiddii ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya ay sababtay caqabad hor leh, taas oo uu ula jeedo muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Dhanka kale, sida uu sheegay Sen. Jack Reed, oo goobta ku sugnaa, waqti kororsigu wuxuu wiiqayaa hormarka Soomaaliya.

“Tallaabadani waxay si toos ah u wiiqaysaa horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dib-u-habeynta hay'adaha waxayna khatar gelin kartaa taageerada caalamiga ah," Ayuu yiri senator Jack Reed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.