AFRICOM oo shaacisay khasaaraha duqeyntii Kunyo-Barrow

Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo diyaaradaha Mareykanka sanadkan cusub ka fuliyeen Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
AFRICOM oo shaacisay khasaaraha duqeyntii Kunyo-Barrow

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa soo saarey qoraal uu ku fahfaahiyay duqeymo dhanka cirka ah oo Jimcihii ka fuliyeen Sh/Hoose.

Labada duqeyn oo ka dhacay degmada Kunyo-Barrow ayaa lagu dilay 3 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab, halka mid kale uu ku dhaawacmay, sida ay AFRICOM sheegtay Maanta.

Lix dhismo oo Al-Shabaab lahayd ayaa lagu burburiyay, mid kalena waxyeello ayaa kasoo gaartay, waxayna AFRICOM sheegtay inuusan jirin khasaaro shacabka kasoo gaarey howlgalkooda.

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa geystay khasaaro shacab, iyadoo hay'adda Amnesty ugu baaqdey AFRICOM inaysan ka bixin dalka iyagoo aan bixin magdhawga dadka ay dileen.

AFRICOM ayaa qoraalkii ugu dambeeyay ku qirtay inay dad shacab ah dileen, laakiin ma aysan balan-qaadin inay bixin doonaan magta dhibaniyaasha, oo aan haysan dowlad u dooda.

Kahor inta uusan Trump ka tegin Aqalka Cad, Ciidanka Mareykanka ayaa laga qaadayaa Soomaaliya kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaaso 700 illaa 800 oo askari oo saldhigyo ku leh Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta tagey Saldhiga Beleddoogle, si uu usoo sogootiyo Ciidamada Mareykanka ee ka baxaya dalka bishan dhamaadkeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.