Afti ka bilaabatay Koonfurta Suudaan(Xog kooban oo ku saabsan Suudan)

Jubba(keydmedia) Waxaa maanta ka bilowday koonfurta Suudaan gobalka lagu magacaabo Jubba codeynta aftida la xiriirta gooni isu taagida gobalada koonfureed ee Dalka Suudan ee lagu magacaabo Jubba.
Warar Keydmedia Online

Aftida maanta loo qaadayo koonfurta Suudaan ayaa doodeeda soo tixneed mudo ka badan nus qarni, waxaase xooga murankaasi uu soo jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay, 1956 xiligii xoriyada ay qaadatay Suudaan ayaa gobalkan koonfurta ku yaal ee jubba waxa ay dalbadeen gooni isu taag laakiin arinkaasii waxaa is hor taagay oo reer koonfureedka ka dhaadhiciyay in mid la sii ahaado madaxdii Suudaan ee xiligaasi.

Bilowgii 1980-aadkii ayaa John Grand oo professor ka ahaa jaamacad ku taala Khartuum kana tirsanaa korneelada ciidamada ayey dowlada uga wakiil yeelatay gobalka Juba, laakiin Mr Grand waxa uu Juba ka abaabulay koox falaaga ah oo ka shaqeysa gooni isu taaga koonfurta Suudaan.

John Grand waxa uu dagaal ka waday koonfurta Suudaan muda 21 sano ah, isagoona la dagaalamay madaxdii kala duwaneed ee soo martay Dalka sida jacfar Nubeyri, Saadaq Almahdi oo afganbi xukunka lagala wareegay iyo Albashiirka xiligan ka taliya Dalka Suudaan.

Wada hadal ka dhacay Nifaasha oo Kenya ku taala  sanadkii 2005 ayaa leysku waafaqay in afti loo qaado koonfurta Suudaan kolka la gaaro 9 January 2011 taasoo ku beegan maanta, waxaana heshiiskaasi uu gondhig u noqday xabad joojin.

Hogaamiyihii reer koonfureedka John Grand sinaba uma dooneyn in ay kala go’aan gobalada Dalka, waxaana dadaal uu ugu jiray sidii midnimada looga shaqeyn lahaa, waxaana qadiyada la xiriirta gooni isu taaga ay sii xoogeysatay kadib markii uu ku geeriyooday shil diyaaradeed isagoo 21 casho u magacaaban madaxweyne ku xigeenka Suudaan.

Wadamada reer galbeedka ayaa dhabarka ka riixaya nidaamka gooni isu taaga koonfurta Suudaan, waxaana sababta lagu sheegayaa dowladahaasi oo doonayaan ka faa’ideysiga kheyraadka baaxada leh ee dhex ceegaaga gobalada koonfureed ee dalka Suudaan.

Todobaatan boqolkiiba ayaa laga soo saaraa Shidaalka Suudaan dhanka koonfureed ee Suudaan, waxaana iminkaba gobalada qaar gaar ahaan gobalka Shidaalka qaniga ku ah ee Abyei ka dhacay iska hor imaad sababay dhaawac.

Haddii uu suurta galo qorshaha la xiriir gooni isu taaga gobalada koonfureed Suudaan waxaa ku soo biiraya Dalalka Qaarada Afrika Dalkii 54-aad,waxaana dowlada ugubka ah ee halkaasi ka dhalata ay la kulmi doontaa turuturooyin badan.

 Aftidan codeynteeda ayaa socon doonta ilaa 15-ka bishan, waxaana intaasi kadib la tirin doonaa codadka, iyadoona la qorsheynayo natiijada in lagu dhawaaqo 6-14 bisha Feb ee soo socota.

Waxaa uur xumada baday dadka dega koonfurta Suudaan dadka dega Waqooyga uu isku gaar yeelay qaab maamulka Dalkaasi, iyadoona dhamaan madaxdii soo martay Dalkaasi ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dhanka Waqooyi ee Dalkaasi Suudaan.

Soomaalida iyo Suudaan

Dalka Suudaan waxa uu ka mid yahay Dalalka Caalamka ee mudadii burburka lagu jiray Soomaalida gacanta balaaran siiyay, waxaana dalkaasi iminka wax ka barta arday Soomaaliyeed oo aad u badan iyadoona arday kale ay ka soo qalin jabiyeen Jaamacadaha Suudaan.

Dhanka kale gobalka iminka aftida ay ka socota waxaa ganacsiyo kale duwan ku leh Dad Soomaaliyeed oo ka barakacay Dalka kuwaasoo ganacsiyo waa weyn ku leh, isla markaana aftidan cusub ka filaya isbadal wanaagsan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.