Agaasime Guure “lama iibin Shabelle”

Iyadoo dhawaanahaba ay jirtay nux nux hoose iyo warar xan ah oo sheegay in qaab howleedka Idaacada Shabeele uu is badal ku iman doono maadaama ay ka soo guurtay fadhigeedii Bakaaro.
Warar Keydmedia Online

15 Casho kadib ayeey maanta dib howlaheedii caadiga ahaa u bilowday shabelle waxaana uu daaha ka qaaday agaasimaha Xiligan ee shabeele Cismaan C/laahi guure in waxba kama jiraan ay tahay warar dhawaan la hadal hayay oo ku aadanaa Milkiyada Idaacada Shabeelle.

"Shabeelle lama iibsan mana la iibin doono, waa idaacad ay bulshada Soomaaliyeed leedahay, waxaana cadeyneynaa in wararka warbaahinta Soomaalida ay hadal hayeen ee ku aadanaa in shabelle laga iibiyay WFP ama Amisom aanay waxba ka jirin" sidaa waxaa yiri Agaasimaha Shabeellle Cismaan C/laahi Guure.

Wararka soo baxayay mudadii ay hawada ka maqneed Shabelle waxaa ka mid ahaa in qandaraas ay la gashay Idaacada BBC-da Maadaama Dhaqdhaqaaqa Shabaab ay joojiyeen howlihii BBC-da ee Soomaaliya.

6-dii May Sanadkii 2002 ayaa shabelle lagu aas-aasay Magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh.hoose waxaana muda kadib ay u soo wareegtay Magaalada Muqdisho oo ay xarun ka dhigatay gudaha Suuqa Bakaaraha

Sanadkii hore bishan oo kale 7-deedii ayeey aheyd markii gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay Agaasimihii Idaacada Shabelle Muqtaar Hiraabe isla markaana la dhawacay Axmed Cumar Xaashi (Taajir) oo ka tirsanaa shaqaalaha Shabeele.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.