Ahlu-suna oo Hiiraan howl gal ka sameysay

Hiiraan(keydmedia) Ciidamada Ahlu-suna ee ku sugan degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay howl gal amni xaqiijin ah waxa ay ka fuliyeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online

Howlgalkaasi ayaa sida wararku ay sheegayaan waxaa lagu soo qabtay dad ay uga shakeyeen ciidamada Ahlu-suna in ay xiriir wada shaqeyn la leeyihiin kooxda Shabaab ee sida wadajirka ah ula dagaalanta dowlada iyo ahlu-suna intuba.

Dadka la qabqabtay oo u badanaa dhalinyaro ayaa Ahlu-suna waxa ay ula dhaqaaqday xabsi aan la aqoon waxaase la tuhmayaa in deegaanada Galguduud ee ay ka taliyaan ay usii gudbiyeen.

Mudadanba isbeegsi baaxad leh ayaa u dhaxeyay dhinacyada Ahlu-suna iyo Shabaab waxaana ay kala hesytaan dhinacyadaasi iminka maxaabiis kale duwan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.