Ahlu-suna oo ku dhawaaqday jidgooyo

Muqdisho(keydmedia) Sarkaal sheegtay inuu ahlu-sunna madax uga yahay dhanka gobalka Hiiraan ayaa si cad daboolka uga qaaday in gabi ahaanba ay xirantahay wado xiriirisa degmada Buula-burde iyo deegaanka Maxaas.
Warar Keydmedia Online

Waxa uu sheegay sarkaalkan oo lagu Aadan C/lle cawaale  in shacabka ay caadiga ah ay uga digayaan isticmaalka wadadaasi waxaana uu hoosta ka xariiqay in ciddii wadadaasi adeegsata loo aqoonsan doono in ay tahay kooxaha ay la dagaashan yihiin.

Aadan Cawaale waxaa uu sheegay in xiligga la isticmaalayo wadadasi ay Ahlu-sunna shaacin doonaan wixii ka horeeyana waxa uu sheegay in ciddii isticmaasha loola dagaali doono sida waxa uu ugu yeeray cadowga.

Wadadan oo ah jid cadde ayaa isticmaali jiray shacab tira yar iyo kooxaha dowladda ka soo horjeeda, waxaana aan la sii saadaalin Karin saameynta hadalkan uu yeelan karo.

www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.