Ahlu-suna: Talaabo ayaan ka qaadeynaa hey’adaha

Guriceel(keydmedia) Gudoomiyaha ahlu-suna magaalada Dhuusa-mareeb ee gobalka Galguduud Cismaan Ciise Taardhuleed ayaa si kulul u canbaareeyay hey’adaha sheega in ay gargaaraan ummadda.
Warar Keydmedia Online

“Uma dulqaadan doono hey’adaha in deegaanada aan ka talino ay joogaan isla markaana shacabkeena ay baahi u dhinteen, muda kooban gudahood haddii aanay hey’adaha wax ugu qaban shacabka waxaan ka qaadi doonaa talaabo deg deg ah” sidaa waxaa yiri Taardhuleed oo warbaahinta la hadlay.

Hey’adaha leh magaca samafalka ee ku sugan qeybaha kale duwan ee dalka ayaa iska indha tira taageerada shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan isla markaana iminka ay saameeyeen abaaraha baaxada leh ee ku dhiftay gobalada iyo degmooyinka kale duwan ee dalka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.