Ahlu Sunna dhaq-dhaqaaq ka wada duleedka Dhuusamareeb

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa diiday inuu la fariisto Ahlu Sunna, kadib markii ay kasoo baxeen Guriceel, oo dagaal qaraar kula galeen bishii lasoo dhaafey.

Warar Keydmedia Online
Ahlu Sunna dhaq-dhaqaaq ka wada duleedka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ururka hubeysan ee Ahlu Sunna, ayaa Maanta dhaq-dhaqaaq iyo is-ballaarin ka billaabey duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug.

Wariye ku sugan Dhuusamareeb, ayaa u sheegay Keydmedia in Ahlu Sunna ay la wareegtay tuulooyinka Gal-xamur, Balli-bire iyo Meelo kale oo aan ka foogeyn Bohol oo horey u joogeen.

Saraakiisha Ururka ayaa u sheegay warbaahinta in ay tagi doonaan meelo kale, waxayna ku micneeyeen dhaq-dhaqaaqa soo celintya nabada iyo xasiloonida gobolka Galgaduud.

Ma jirin wax iska hor-imaad ah oo Ahlu Sunna la kulantay inta ay wadey dhaq-dhaqaaqii Maanta, oo kusoo aadaya xili Qoor-Qoor shalay gaarey Muqdisho, oo saldhigiisu yahay.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa diiday inuu la fariisto Ahlu Sunna, kadib markii ay kasoo baxeen Guriceel, oo dagaal qaraar kula galeen bishii tagtey, kaasoo ay ku dhinteen dad badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.